Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Yuusuf oo Shir Jraa,id Qabtey
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:50
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:88
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:261
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:398
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:141
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 12 2008
Yuusuf oo Shir Jraa,id Qabtey
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 12 August 2008

Cabdulahi YusufMuqdisho,(insidesomalia.org)-Madaxweynaha Dowladda federaalka Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Maadxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho isagoo shirkaana kaga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin dib u heshiisiinta iy khilaaafka la sheegay inuu mudooyinkan soo kala dhex galay isaga iyo ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur-cadde)

 

Waxaa uu Madaxweynuhu ka waramay arimaha dib u heshiisiinta oo uu sheegay iney ka mid yihin siyaasadaha ay dowladdu ku shaqeyneyso, isagoo meesha ka saaray hadalo soo baxayey maalmahan dambe oo sheegayey inuu ka soo horjeedo arimaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta dalka, wuxuuna xusay madxweynuhu inuu ka qeyb galay inta badan shirarkii dib u heshiisiinta ee loo qabanayey shacabka Soomaaliyeeed, taasina ay calaamad u tahay sida uu muhimada koowaad u siinayo dib u heshiisiinta oo tilmaamay inaan horumar lagu talaabsan karin la’anteed.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa sheegay in dhowaan uu magaalada Jabuuti ka furmi doono kulan ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobey, kaasoo ay iskugu imanayaan mas’uuliyiin ka kala socota Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ka soo horjeeda ee dhowaan heshiiska ku kala saxiixday halkaasi, kaasoo uu sheegay in ka dib looga sii gudbi doono dalka sacuudiga uu lagu qaban doono ayuu yiri munaasabad si rasmin ah loogu saxiixi doono heshiiskaas oo ka dibna dhinac walba waajib kaga dhigi doonta inuu hirgeliyo.

 

Inkastoo Madaxweynuhu uusan si faahfaahsan uga hadlin khilaafka soo kala dhex galay isaga iyo Ra,isul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) ayaa haddana waxaa uu sheegay in arimaha taagan ee la isku hayo aysan aheyn kuwo siyaasadeed balse ay yihiin kuwo ku saleysan sharciga “Anigu ma lihi ujeedo gaar ah balse waxaan difaacayaa kuna dheganahay axdiga ku meel gaarka ah ee Somalia, xilka ka qaadista Maxamed Dheerena aniga ma diidin, xilka waa laga qaadi karaa, laakiin waa iney sharciga waafaqsanaataa, waana taa mid aan ku dheganahaya oo aan difaacayo” ayuu yiri Madaxweynaha.

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ku eedeeyey warbaahinta magaalada Muqdisho qaybaheeda kala gedisan iney buun-buuinyeen khilaafka la sheegay inuu soo kala dhexgalay isaga iyo Ra,isul Wasaare Nuur cadde wuxuuna Madaxweynuhu tilmaaamay iney qaab qabyaaladeed oo dhexdhexaadnimada ka baxsan uga warameen arintaas, waxaana hadalka Madaxweynuhu uu muuqdaa inuu weli ku dhegan yahay mowqifkiisa ku aadana khilaafka soo kala dhexgalay isaga iyo Ra,isul Wasaaraha oo ka dhashay xilka qaadsta guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Dheere, wuxuuna muuqata oo kale in khilaafkaasi u weli yahay mid si jiitamaya oo aan weli wax xal laga gaarin.





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >